Waa maxay Motherboard?


Motherboard-ka waa qeybta ugu muhiimsan ee computerka, maxaa yeelay waxay isku xirtaa dhamaan qeybaha kale ee uu computer-ku ka kooban yahay

Inta ugu badan motherboads-ku waa akhtar,laakiin waad arki kartaa kuwo ah cawlaan,buluug,casaan ama madow intaba.

Astaamaha Motherboard-ka:

1.Motherboard-ku waa habdhiska dareen wadaha ee computerka

2.Waxa kale oo aad maqli kartaa iyada oo loogu yeerayo xarunta ugu weyn ee computerka

3.Dhamaan qeybaha computer-ku waxay ku xiran yihiin motherboard-ka sida Chipsets-ka,Slots-ka iyo Sockets-ka

4.Qalabka sida CPU-ga iyo RAM-ka waxay si toos ah ugu xirmaan Mottherboard-ka

5.Qalabyada kale sida Hard-drive-ka iyo Power supply-ga si toos ah uguma xirmaan motherboar-ka balse waxa loo sii maraa xidhiidhiyayaal.



Shirkadaha soo saara motherboard-ka:

Shirkada ugu caansan suuqa maanta ee soo saara motherboars-ka waxa ka mid ah ASUS,GIGABYTE, ASROCK iyo MICROSTAR(MSI).

Shirkaduhu waxay motherboard-ka ku alxamaan qalabyada ay ka mid yihin CPU-ga,Video cards-ka, Network cards-ka iyo kuwo kale 

oo si toos ah ugu dhagan motherboard-ka

Ogow Motherboard kastaa mid ay ka yar tahay waxay kaga duwan tahay in qalabku ku alxamanyihiin ama ku dhex dhisan yihiin.


Noocyada Motherboard-ka:

1.Advanced Technology Extended (ATX)

2.Micro ATX

3.Mini ITX.



Comments

  1. Dhamaan erey-bixinaha aan soo sheegnay waxaad ku arki doontaa cashiro lagu faahfaahiyaya

    ReplyDelete

Post a Comment