Waa maxay Motherboard Chipsets?

Motherboard chipsets-ka waa walxo la isku daray ama mareego kuwaas oo ka shaqeysiiya qeybaha dibada iyo gudaha ee processor-ka


Motherboard chipsets-ku waxa ay nidaamiyaan sidii uu motherboard-ku isugu xiri lahaa walxaha ama aaladaha dibada uga yimaada (peripherals)


Chipsets-ku waxay qaataan magaca iyo modelka shirka soo saartay sida,Intel's X99.





Shaqooyinka uu qabto chipset-ka waxa loo kala qaybiyaa laba:

1.Northbridge

2.Southbridge


Northbridge

Midkan waxa uu qabtaa inuu maamulo qalabka xawaaraha sare leh ee ku soo xirma motherboard-ka


Southbridge

Kanna waxa uu masuul ka yahay inuu gacan siiyo qalabka xawaaraha hoose leh sida (PS/2, parallel ports, serial ports, Serial and Parallel ATA

iyo inuu maamulo xiriirka ay la leeeyihiin qeybaha kale ee computerka


Bus

waa isku darka wadooyin ama mareego signal ah kuwaas oo isku xira motherboard-ka iyo qeybaha kale ee computerka

Waxa loo qeybiyaa laba nooc oo kala ah:


1. Serial bus: midkan oo isku xira hal qeyb oo xog ah hal waqti

2. Parallel bus oo isku xira qeybo badan oo xoga ah hal mar




Comments